DiscoverOgaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Claim Ownership

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Author: Nazreen Zallah

Subscribed: 1,701Played: 5,014
Share

Description

Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.

podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. 

Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena,  si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay,  nafteenuna raali ku tahay. 

"Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".

31 Episodes
Reverse
Xasuusinta xalqadanWixii aydun waydeen ee aydun aadka uga war warteen waayidiisa wax ka cajiibsan oo aydaan filan karahayin baydun badalkeeda helaysaan ilaahay awoodiisa ee fursada waydiisashada, fursada baryada iyo fursada ducada il-bidhiqsi ha hallaynin.لَا تَدْرِي لَعَلَّ اللَّهَ يُحْدِثُ بَعْدَ ذَلِكَ أَمْرًMacquul ilaaha waxa muuqda iyo waxa qarsoon labadaba ogi in uu idiinka dambeysiin doono marxaladahii qadhaadhaa ee aydun marteen wax qurux badan oo aydun gudo ahaan ku xasishaan. Barra...
Xalqadan waxa aan kaga hadlay 9 qodob oo ka mida wax-yaabaha kaa caawin doona in aad xasiloonaato gudo ahaan.💗
Xasuusinta maantaWaliga wax kaa dhacay caruurnimo iyo wax kugu dhaca wakhtiyo kahorow midna ha ceebaysanin.Waayo Khasaare maaha waxkastoon guda ahaan ku farxad galinini. Balse waa khibrad, waa waaya aragnimo, waa aqoon iyo dabar ku celin doona oo arimaha aad soo aragtay naftaada kama yeeli doontid markaad qoonsato markale inay kugu soo laba laabtaan.haaday jiraan waxyaalo aad ka timid ama waxyaabo hore, oo aad isu ciilayso dartoodi ogoow inaad nooshahay wakhti kale, da. kale, xaal...
Xasuusinta xalqadanMuhiim ma aha in aad guursato mar hadii saaxibadaa, intii kuu dhawayd iyo intii aad taqaanay ay guursadeen.🌼Waxa se ka muhiimsan in aad guursato dookhaaga, aad yagleesho reer ilaahay raali ku noqdo, sidoo kalena aad dhisto guri lagu xasilo oo guryaha kale ka nuur badan ilaahay xagiisa.🌼Waxa ka mubiimsan in aad guri lagasho saaxiib yar oo wax garad ah oo xasilooni iyo farax ay isku biirinayso aragtidiinu.🌼
Xasuusinta maantaCidladu marar badan waxa ay ka fiicantahay la joogista aad hadana cidlada dareemaysid. Ha dooranin nolol aad nooshahay badh noolaanshiyo.
Xasuusinta maanta.Qalad hadii aad gasho qoomamo haysku dilin.Qalad hadii lagaa galana qoomamo haysku dilin. Waxka baro, waxka korodhso, doorana in aad hore uga socoto cafisna dalbato, ama aad adigu cafido.💚
Xasuusinta maantaHadii aad dareemayso dareen ah in aan laguu qadarin in aad maruun guul gaadho, ama aad dareemayso in riyo aad jeclayd aanay kuu dhaboobi-karahaynin oo ay wakhtigan kugu adag-tahay in aad rumayso,Halka dadka inbadan oo ka mid ahi ay xikmada ilaahay gaadheen waxaa aad adigu doonaysey ee aanad wali gaadhin.Xasuuso aayada 140 suurada aali cimraan.Ilaahay wuxuu leeyahay “وتلك الأيام نداولها بين الناس “Sidaasaanu maalmaha dadka ugu kala wareejinaynaa, ama sidaasaanu aya...
Xasuusinta maantaMurugo hadii aad dagaal kaga soo baxday ku faro adayg farxada , nabada iyo daganaanshiyaha aad heshay.Dooro deegaan munaasab ah iyo dad aad nabadaada ku ilaashato. Door xasuusta wacnaanta leh ee aan ku carqaladayn dooni .
Qofka aydun dhaqan ahaan is af-garan waydeen ama si uun aydun nolosha ugu sii wada midoobi kari waydeen “واهجرهم هجرا جميلا “. Haajiraad qurux badan ka haajir ka fogaanshiyo qurux leh ka fagoow, masaafo nadiifana u jirso.Xasuusinta xalqadan.Afkaagu ruuxii uu waangiisa tirinayay shalay, Maanta isla afkaagii yuu xumaantiisa tirinin.Dadka sikale, wakhti kale iyo waayo kaleba waydin kulmin doonaane. Salam. 💚🍃
Xasuusinta xalqadan Bani aadamka awoodiisa waa la xadiday, waala xadeeyay waana la xakameeyay. Wixii se aad iinsaan ka heli waydo ilaahay xagiisa ka doono, ilaahay xagiisa ka raadso, ilaahayna xagiisana ka baadi doono.Waa ilaaha iska leh sifada kamaalka, dhamaystirnaanta, iyo isleekaanshiyaha.Waa rabiga aan agtiisa waxba laga waayin, agtiisa waxba laynagu yeelin. Talo saarashadiisana badbaada aynu bidno oo aynaan ku hungoobin.Ugu dambaynWaxkaste aynu kala doono oo aynu hadana kala wayno ...
Fariimaha yar yar ee aynu helno ayaamaha aynu ugu baahida badannahay laabteena waxbay taraan oo meesha inagu bannaan ayay badh gufeeyaan oo dhaxan tiraan. Si taa la mid ah dadyowga aynu garabka erayadeena iyo wehelnimadeena ku siino ayaamaha nugeyl-koodana meel bay u buuxiyaan aanu garanahaynin ruuxa baahida u qaba mooyee ruux kale oo dibada ka taagani.Garab kala hela wakhtiyada adag🧡
Gabadhnimadu waa hal adayg-nimo iyo dhib qurux badan. 🌸🌸
Waa 12 qodob oo aydun intiina badan garanaysaan laakiin aan jeclaaday in aan idin xasuusiyo si aydun ugu diyaar noqotaan gudo ahaan, dibad ahaan, iyo guri ahaanba bisha barakaysan ee ramadaan. Waa xalqad dhalinyarta aad u quseysa iyo sidoo kale cidkaste oo danayneysaba.💛🌙
Xalqadan waxa aan kaga hadlay wax-yaalo dhawra oo quseeya qiimaynta wax-yaalaha aynu haysano, u fiirsashada quruxda ay leeyihiin wax-yaalaha yaryari iyo jawaabo laba su.aalood oo wakhti hore la i waydiiyay.Eray waliba wuxuu ka yimid qalbigeyga dhagaysi wanaagsan.💛
Xalqadan waxa aan kaga hadlay Codka guduhu waxa uu yahay, qaybihiisa, noocyada uu u kala baxo, saamaynta uu inagu yeelan karayo ee togan iyo saamaynta uu inagu yeelan karayo ee taban.Waxa aan kaga hadlay caqliga iyo qalbiga codadkooda, kala duwanaan-shiyahooda iyo go.aan qaadashada. ugu dambayn waxa aan kaga hadlay muhiimada ay leedahay in aad iska xakamayso codka gudaha ee taban, kana war-qabto xiliga iyo xaalada uu caqligaaga qaybta dahsooni kugu dafcinayo in aad is canaanato.
Xalqadan waxa aan kaga hadlay waxa loo yaqaan Garaadka caadifadaEmotional intelligence, garaadka caadifadu waa xirfada fahamka, la dhaqanka, maamulka, maaraynta, xakamaynta iyo af-garadka naftaada, nafaha dadka kugu xeeran ee ah dadyawga aad inta u badan la dhaqmayso iyo sidoo kale xirfada fahamka iyo wacyi u yeelasha a nolosha. waxyaalo mawduucan quseeya ayaan kaga hadlay xalqadan dhagaysi wanaagsan.
Ruuxdaada cibaadada iyo qur.aanka ku ilaali, marxalada dhalinyarnimadana ilaahay xadhigiisa adkeeXalqadan waxaan kaga hadlay faa.idooyinka qur.aanka. Waxaan kaga hadlay wax-yaalo aan ka bartay aayadaha ugu horeeya suuratul baqra. Waxaan kaga hadlay marxalda dhalinyarnimada iyo dhibteeda, waxaan kaga hadlay toosnaanta, dhawrsoonaanta iyo hanuunkaba in rabbi cidda uu doono uu waafajiyo.
Xalqadan waxa aan kaga hadlay 8 wax oo aasaas u ah ka kabashada dhaawacyada caruurnimo, sidoo kale waxa aan kaga hadlay labada dhaawac ee ina soo gaadhi karaya oo kala ah ka waynaanimo inagu soo gaadhi karaya iyo ka caruurnimo inagu soo gaadhi karaya.Waxaan kaga hadlay sida ay saamayn inoogu yeelan karayaan labaduba iyo sida uu uga saamayn xoogan yahay dhaawaca yaraanimo laynoogu gaystaa’ dhaawaca waynaanimo inagu gaadha. Sidoo kale waxaan kaga hadlay sida ay tahay in aad dhaawacyadaa ula dha...
Xalqadan waxa aan kaga hadlay qaybteen caruurnimo [ inner child ]. الطفل الداخلي Waxa ay tahay qaybteena caruurnimo iyo dhaqamada ama afcaasha lagu garto, Meelaha aynu kaga dhaqano iyo cida aynu kula dhaqmi kartno. Waxa kaloon kaga hadlay dhaawaca yaraanimo inagu soo gaadhaa sida uu nolosheena u saamaynayo sidoo kalena qaybteena caruurnimo uu u saamayn karayo.Xalqadan wax-badan baan ku sharaxay oo quseeya inner child oo aan ku rajo way-nahay in aydun ka faa.idi doontaan hal ama la...
Xalqadan waxa aan kaga hadlay 9 dhaqan ama 9 dabiicadood oo aynu yeelan karno, isla markaana aynu ku yeelan karno qofnimo jilicsan, daciifnimo shakhsiyadeed iyo nugayl qofnimo.Waxaan rajaynayaa in ay wacyi kugu dari doonto, sidoo kale wax kugu biirin doonto.Mahadsanidin.💛🧡
loading